Baro Sida Loo Gaaro Guusha

 Baro Sida Loo Gaaro Guusha

Xikmada nolosha: Qofkii dagaalamaa wuu guuldareysan karaa balse qofkii aanan dagaalamin waaba uu guuldareystay. Hadafka Nolosha: Baro Sida Loo Gaaro Guusha Sida loo gaaro hadafka nolosha ma ahan wax adag markaad rabto inaad guul gaarto. Qofka raba inuu nolosha ka gaaro horumar ma jiraan wax ku adag mana jiraan wax ka hor istaagi karo. Waxaa u muuqdo kaliya hadafka noloshiisa. Si kastaa oo ay u adag tahay gaarida hadafka noloshiisa ma noqdo mid ka niyad-jebo. 4 sheey oo kugu dhiiro gelinayo inaad gaarto hadafka nolosha Makra hore qormadani waa qormo kugu dhiiro gelin doonto inaad gaarto hadafka nolosha ee aad ka leedahay. Hadaba waxaa fiican marka aad akhriso qormadani inaad ka rumeyso. Maxaa yeelay intaad akhriso hadana aadan ficil ku dhaqaaqin waxba kuU suurto gali maayaan. Hadaba maxay yihiin afarta sheey ee aad u baahantahay inaad ku gaarto hadafka nolosha?

1. Yeelo hadaf Markaad rabto inaad gaarto meel, waxa aad u bahantahay inaad yeelato hadaf, Sababtoo ah qof bilaa hadaf ah weligii guul ma gaaro. Taasi hadda ayaan horay kaaga sheegi karaa. Nolosha waa safar oo ubaahan qorsheyn in loo sameeyo, haddii aadan naftaada wax u qorsheyn karin, ma yeelan kartid hadaf mana gaari kartid hadafka nolosha. Qof walbaa oo inaga mid ah wuxuu leeyahay hami, waxyaabo badan oo uu ku haminayo, balse qof walbaa inuu gaaro hamigaasi waxa ay u baahantahay hadaf. Dadka nolosha guusha ka gaaray waa dad intooda badan leh hadaf, culeys kastaa iyo dhibaato kastaa oo la soo deristo waa kuwo leh dulqaadkaadkooda. Xasuusnow: Inaad guul gaarto waxaa ka horeeyso inaad diyaar u noqoto guul ama guuldaro. Ma tahay geesi aanan ka baqan guul ama guuldaro? Haddii ay jawaabtaadu haa tahay. Waad guuleysaneysaa.
Waxyaaba qorshaha nolosha kaa hor istaagi karo Inaad qabto cabsi ah amaad guuldareysataa, oo uu fashil kugu yimaadaaXishood Iyo cabsi aad ka qabto bulshada in ay kaa yaabaanInaadan naftaada ku kalsoonaan sida inaad adigu isliido oo kalelnaadan fahmin ahmiyada ay leedahay qorsho dejinta iyo sida loo maareeyo nolosha 

2. Hadafka nolosha wuxuu ubaahanyahay Nasasho Inaad jirkaaga nasiino siiso waxay kaa dhigeysaa qof hadaf iyo wax soo saar leh. Waxaa si degan ku dhisi kartaa fikrado iyo gaarida horumar la taaban karo.


 3. Iska ilaali hamiga faraha badan Inaad hami yeelato oo aad wax ku hamiso waa wax fiican laakin inaad toban waxyaabood aad isku waqti ku hamiso waxa ay kaa lumineysaa jihadaada. Waxaa kugu adkaaneyso inaad meel ku toosto oo aad ka sal gaarto. Sida darteed yeelo hal hami oo kaa go'an inaad marka hore gaarto, kadibna
aad u gudubto hamiga kale.

 4. Qaado go'aan adag Inaad go'aan adag qaadato kuuma suurto galineyso hadafka noloshaada oo kaliya ee sidoo kale waxa ay kaa dhigeysaa qof adag. Marka aad wax go'aansato waxaa fiican inaadan go'aankaada kalaba labeyn, kana laaban, qalad iyo sax. Maxaa yeelay waxaad baranaysaa waxa qaldan ama waxa saxsan kadib go'aankaasi. Xusuusnnow oraahda Soomaalida ah ee oraneyso: Qof aan wax qaldin wax ma saxo. Marka aad aragto in aad wax qalad, meel ku calaameey si aadan qaladkaasi mar kale aadan u sameyn.




Comments