Waalidka oo baari loo noqdo, loona ixsaan falo waxa kuso arooray Aayado iyo Axaadiith cajiib ah

 Waalidka oo baari loo noqdo, loona ixsaan falo waxa kuso arooray Aayado iyo Axaadiith cajiib ah




Iiiiika badan 3 jeer ayuu Ilaah SWT asago nala dardaarmaayo is daba dhigay in aan asaga loo shariik yeelin iyo in waalidka Loo ixsaan falo. Muhiimada weeyn leedahay waalidka baari loo noqdo meeshaas ka fahmee.. Shariik wax ka weeyn jirin aya la raaciye.. 

وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا 

Ilaah caabuda hana u shariik yeelin waalidkana u ixsaan fala. (Surah Nissaa)

وَإِذْ أَخَذْنَا مِيثَاقَ بَنِي إِسْرَائِيلَ لَا تَعْبُدُونَ إِلَّا اللَّهَ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا

Reer Bani Israaiil waxa kula balanay in Ilaah kaliya caabudaan oo waalidkana u ixsaan falaan (surah Baqrah

وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۚ

Ilaah waxu idin go’aamiye in asaga mooyee in wax kale aan la caabudin oo waalidkana loo ixsaan falo (surah Israa) waxuuna sii raaciye markaan in uf la dhihin waalidka lana Dhibsan فَلَا تَقُل لَّهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا 

Nabigana SCW, mar la weediye acmaasha ugu Wanaagsan ee la qabto waxu yiri, 1- Salaada waqtigeeda lagu dukado iyo 2- Waalidka Loo ixsaan falo.. Xata Jihaadka ayuu waalidka ka hormariye markaan nabiga SCW.. 

Marka sxbyaal waalidka aan u raaracino garab naxariis ah warkoodana maqalno xata hade kuwa Dhib badanyihiin isaga dulqaado Waa ku faaido doontaa aduun iyo aakhiro in sha Allah. Hadi ee dhinteena aan u duceeno oo dhahno  

وَقُل رَّبِّ ٱرۡحَمۡهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرٗا 


Comments

Popular Posts